Ciidamada Israel oo maanta ka baxaya Netzarim, Gaza

Ciidanka Difaaca Israel ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay isaga baxaan saldhiggii ay ka sameysteen Isgoyska Netzarim ee Marinka Gaza.

Ciidamada Israel oo Sabtidii oo dhan diyaargarow waday ayaa la filayaa in Axaddan ay ka qalab qaataan saldhiggaasi.

Sida ku cad heshiiska xabad joojinta Gaza, maalinta 22aad ee dhaqangelintiisa, Militariga Israel ayaa looga baahan yahay in ay banneeyaan saldhiggaasi.

Heshiiska xabad joojinta ee Israel iyo Xamaas ayaa 19-kii bishii January ka dhaqangalay guud ahaanba Marinka Gaza.

Ka bixitaanka Ciidamada Israel ee Netzarim waxay calaamad u tahay inuu si wanaagsan u shaqeynayo wejiga koowaad ee heshiiska iyo dib u gurashada militari ee Israel ee qaybaha dhexe iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Saldhigga Netzarim ayaa ahaa mid ay Ciidamada Israel ku xadidayeen isu socodka shacabka ee koonfurta iyo waqooyiga Marinka Gaza.

Dadka reer Gaza ayaa dareemi doona ammaan, marka Israel ay si dhameystiran ciidamadeeda uga la baxdo Isgoyska Netzarim.

Falastiiniyiinta ayaa ugu yeeri jiray Netzarim dariiqa dhimashada. Tan iyo markii Ciidamada Israel ay halkaasi qabsadeen waxay Falastiiniyiinta ka mamnuuceen inay hore iyo dib ugu socdaan.

Ciidamada Israel ayaa waddada ka sameystay jidgooyo ay ku dhibi jireen dadka shacabka ah. Marar badan ayayna ku dileen dad rayid ah oo laga soo barakaciyay waqooyiga Gaza, laguna khasbay inay koonfurta iyo bartamaha taggaan.

Ciidamadan ayaa burburiyay guryo fara-badan oo halkaasi ku yiilay. Dadka guryahooda la burburiyay ayaa awoodi doona inay soo eegaan.

Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale galaangal u yeelan doona inay si xor ah isugu kala gooshaan koonfurta iyo waqooyiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker