Soomaaliya oo digniin kasoo saartay maalgelinta argagixisada

Wasiirrada Amniga Gudaha, Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta iyo Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliya oo goor dhow shir jaraaโ€™id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay waxyaabihii uga qabsoomay dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto al-Shabaab.

Wasiirka Amniga Cabdulaahi Fartaag ayaa digniin u diray dadka lacagaha maalgalinta ah siiya “Kooxaha argagixisada”. Wuxuu sidoo kale sheegay in maamul-goboleedka Puntland ay ku taageerayaan la dagaallanka kooxda Daacish.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa dhankiisa sheegay inaan la aqbaleyn in dhaqaale lagu bixiyo halligidda shacabka Soomaaliyeed.

โ€œMeelaha ay dowladdu ka taliso sida Suuqa Bakaaraha qiil uma heli doonaan in ay yiraahdaan baad ayaa nagala rabaa.โ€ayuu yiri wasiirka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker