Qaramada Midoobey oo digniin ka soo saartay xaaladda ka sii dareysa ee Daanta Galbeed
Qaramada Midoobey ayaa digniin ka soo saartay xaaladda sii xumaaneysa ee ka jirta Daanta Galbeed, ka dib markii Ciidamada Israel ay hawlgal ka bilaabeen Magaalada Jenin, isla-markaana ku fidaya magaalooyinka kale ee Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta ee la haysto.
Kuxigeenka Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, Farhan Haq ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay ka walaacsan tahay nooca hawlgal ee ay Israel ka waddo Daanta Galbeed.
Afhayeenka ayaa sheegay in hawlgalka ballaaran ee ka socdo dhulka ciriiriga ah ee Jenin uu halis ku yahay nolosha dadka rayidka ah.
Waxa uu tilmaamay in Xafiiska Qaramada Midoobey ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA) uu ka digay in mar kale la adeegsado xeelado dagaal oo halis ah, taasoo kor u qaadeysa walaaca laga qabo isticmaalka awood ka baxsan heerarka fulinta sharciga.
Farhan Haq ayaa Israel ugu baaqay in ay ilaaliso dadka rayidka ah, isagoo tixraacaya dhacdooyinkii argagaxa lahaa ee ay ciidamadeeda ka gaysteen Marinka Gaza.
Taliska Militariga Israel ayaa sheegay in Hawlgalka Darbiga Birta ee Jenin uu yahay mid lagu bartilmaameedsanayo, waxa ay ku sheegeen kooxaha argagixisada ee halkaasi ku sugan.
Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaase walaac xoogan ka muujiyay qaabka loo fulinayo hawlgalkan, waxyeelada dadka rayidka ah ka soo gaareysa iyo barakacinta lagu sameynayo.
Thameen Al Kheetan oo ah Afhayeenka Xafiiska Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey (OHCHR) ayaa sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin adeegsiga xoogga wax gumaada ee sharci darrada ah ee Jenin.
Afhayeenka ayaa sheegay in Israel ay gaysaneyso duqaymo badan oo xagga cirka ah iyo in sida muuqata ay ciidamadeeda tooganayaan sida uu yiri dadka deegaanka ee aan hubaysneyn ee isku dayaya inay baxsadaan amaba ay badbaado helaan.
Afhayeenka ayaa xusay in tan iyo markii uu hawlgalka bilowday ay Ciidamada Israel dileen ugu yaraan 12 Falastiiniyiin ah, 40 kalena ay dhaawaceen, kuwaas oo la sheegay buu yiri inaysan hubeysneyn.
Al Kheetan ayaa ku waramaya inaanan loo baahneyn hawlgalka maquuninta ee Israel, oo sida uu sheegay abuuray walaac culus oo ka dhashay xoogga ay adeegsaneyso, waxaana uu xadgudub ku yahay buu yiri sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, xeerarka iyo heerarka lagu dabaqi karo hawlgalada fulinta sharciga.
Diyaarad drone oo Israel ay leedahay ayaa Jimcihii gantaal ku dhufatay gaari marayay meel u dhow Magaalada Qabatiya ee Daanta Galbeed, waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ah, sida ay xaqiijisay Wasaaradda Caafimaadka Falastiin.
Wakaaladda Wararka Falastiiniyiinta ee WAFA ayaa ku warantay in weerarku uu dhacay, wax yar uun ka hor, inta aysan Ciidamada Israel xoog ku gelin Magaalada Qabatiya.
Kamal Abu Al Rub, Barasaabka Jenin ayaa labada qof ee dhintay ku sheegay Mahmoud Kamil iyo Hamoud Zakarneh.
Militariga Israel ayaa war uu soo saaray ku sheegay in baabuurka la duqeeyay ay la socdeen xubno argagixisada ka mid ah, iyagoo aan caddeyn ah soo bandhigin.
Wasaaradda Caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in tan iyo Talaadadii ay Ciidamada Israel dileen 14 qof, halka 50 kalena ay dhaawaceen.
Militariga Israel ayaa korontada iyo biyahaba ka jaray xerada qaxootiga Jenin, iyagoo sidoo kalena is hortaag ku haya wax kasta oo la gaynayo magaalada.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa ku shaqeynaya waqti adag, maadaama aanay isbitaalada ka jirin wax koronto ah, sida uu xaqiijiyay Barasaabka Jenin.
Dhanka kale Hay’adda OHCHR ayaa sheegtay in Ciidamada Israel ay xireen waddooyinka laga soo galo magaalooyinka qaar ee Daanta Galbeed, sida Hebron.
OHCHR waxay sheegtay in Ciidamada Israel ay baaritaano shakhsi shakhsi ah marsiinayaan dadka gaadiidka la socda, taasna ay keentay in ciriiri uu ka dhasho isu socodka magaalooyinka.
Tobanaan Falastiiniyiin ah ayaa laga qabqabtay Magaalooyinka Hebron, Nablus, Tulkarm & Ramallah ee Daanta Galbeed iyo weliba Bariga Qudus, sida ay sheegeen Ururka Maxaabiista Falastiiniyiinta ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano (PPS).
Dowladda Jordan oo xad la leh Daanta Galbeed ee xoogga lagu haysto ayaa cambaareysay hawlgalkan.
Ololaha militari ee Darbiga Birta ee ka socdo magaalada waqooyiga Daanta Galbeed ku taala ee Jenin ayaa galay maalintiisii 5aad.