Madaxweynaha Somaliland oo Magacabay Talyayaasha Ciidamada Milatariga iyo Booliska

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 23/01/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-0047/012025 uu ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Booliska .

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

๐–๐š๐ซ๐ž๐ž๐ ๐ญ๐จ ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž

๐Œ๐š๐ ๐š๐œ๐š๐š๐›๐ข๐ฌ

๐Œ๐š๐ซ๐ค๐ข๐ข ๐š๐š๐ง ๐š๐ซ๐ค๐š๐ฒ: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Muhiimadda ay Ciidammada kala duwan ee Qaranku u leeyihiin, Madax-bannaanida Qaranka, Difaaca, Ilaalinta iyo sugidda nabadgelyada gudaha, Badbaadinta iyo illaalinta nafta iyo hantida bulshada, Dhawridda Xorriyaadka aasaasiga ah iyo Fulinta ku dhaqanka Dastuurka iyo Shuruucda Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, Kartidooda, naf-hurnimadooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo, isla markaana ay hanan karaan waajibaadka & masโ€™uuliyadaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

๐–๐š๐ฑ๐š ๐š๐š๐ง ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ฒ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐›๐ข๐ฅ๐š๐š๐›๐จ ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š;

1. In Sarreeye Guuto, Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Sarreeye Guuto, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan Allaale (Cabdi Dheere) uu ahaado, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

3. In Sarreeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Qaranka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

4. In Sarreeye Gaas, Maxamed Aadan Saqadhi, uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Ciidanka Booliska ee Jamhuuriyadda Somaliland.

๐€๐ฅ๐ฅ๐š๐š ๐Œ๐š๐ก๐š๐ ๐‹๐ž๐ก

________________________________________
๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฑ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐š๐š๐ก๐ข (๐‚๐ข๐ซ๐ซ๐จ)
๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐‰๐š๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐š๐๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker