Canada oo ka hadashay hadalka Trump ee ah in lagu darayo Mareykanka
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa ku celceliyay in Canada aysan dooneyn inay noqoto gobolka 51-aad ee Mareykanka.
โMarna ma dhici doonto taasiโ, ayuu yiri Trudeau.
Mar uu Axadi shalay ahayd wareysi siiyay xoghayahii hore ee warfaafinta aqalka cad, Jen Psaki ayaa Trudeau waxaa uu ka hadlay hadalka dhowr mar soo noqnoqday ee madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, taas oo ah in Canada ay qeyb ka noqon karto Mareykanka.
โTrump wuxuu doonayaa inuu dadka jahwareer ku rido, gobolka 51-aad ma jiri doonoโ, ayuu yiri raysal wasaaraha.
Raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa dhawaan shaaciyay inuu xilka ka degi doono bisha Maarso, marka uu xisbigiisa Liberal-ka helo hogaamiye cusub.




