Xamaas oo sheegtay in ay sii deynayso qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta ay afduubka u haystaan
Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa BBC-da la wadaagay liiska 34 la haystayaal ah oo kooxda falastiiniyiintu ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay sii daayaan marxaladda koowaad ee heshiis xabbad-joojin ah oo ay la galaan Israaโiil.
Ma cadda tirade dadka la haysto ee weli nool.
Dadka la magacaabay waxaa ka mid ah 10 haween ah iyo 11 rag ah oo daโdoodu u dhaxayso 50 ilaa 85 jir, iyo sidoo kale carruur yar yar oo Xamaas ay hore u sheegtay in lagu dilay duqayn xagga cirka ah oo Israaโiil ay geysatay.
Tiro la haystayaal ah oo ay Xamaas sheegtay inay xanuusanyihiin ayaa iyaguna liiska ku jira.Xafiiska raโiisul wasaaraha Israaโiil ayaa beeniyay wararka sheegaya in Xamaas ay Israaโiil siisay liiska dadka la sii deynayo ee afduubka loo haysto.
Dhanka kale wararka ka imaanaya Qasa gaarahaan aagagga ay maamulaan Xamaas ayaa sheegaya in duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israaโiil ay ku dileen in ka badan 100 qof saacadihii la soo dhaafay.




