Dal Afrikaan ah oo joojiyay ciqaabta dilka, iyo Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka ugu badan dunida ee fuliya

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa ansixiyay sharci soo afjaraya ciqaabta dilka ee dalkaas koofurta Afrika ku yaalla, sharcigan oo degdeg u dhaqan galaya.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa ammaantay go’aanka kuna tilmaantay “inuu rajo u yahay dhaqdhaqaaqa lagu cirribtirayo ee gobolka ka jira”.

Tallaabada Mnangagwa ayaa imaaneysa kadib markii baarlamaanka Zimbabwe uu u codeeyay horraantii December in meesha laga saaro ciqaabta dilka.

Zimbabwe ayaa xukunkii ugu dambeeyay ee daldalaad ah fulisay sanadkii 2005, balse maxkamadaheeda ayaa sii waday inay soo saaraan xukunno dil oo lagu fuliyo dadka gala dembiyada waaweyn sida dilka.

Guud ahaan dunida, 113 dal, oo ay ku jiraan 24 Afrika ku yaalla, ayaa si buuxda meesha uga saaray ciqaabta dilka, sida ay sheegtay Amnesty.

Shanta dal ee tirada ugu badan ee xukun dil fuliyay sanadkii 2023 waxay kala ahaayeen Shiinaha, Iiraan, Sacuudi Carabiya, Soomaaliya iyo Mareykanka, sida ay sheegtay hay’adda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker