Dad murugeysan oo tuban goobtii shilka diyaaradeed uu ka dhacay Axaddii si ay u arkaan meydadka dadkii dhintay

Dad badan oo murugoonaya ayaa ku sugan garoonka caalamiga ah ee Muan, iyagoo ka careysan in aaney weli arkin meydadka kuwii ay jeclaayeen.

Mas’uuliyiinta garoonka ayaa sheegaya in weli lagu jiro baaritaan si taxaddar leh loogu aqoonsanayo dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee Axaddii dhacay.

Diyaaradda waxaa ku dhintay 179 qof, waxaana tirada dadka oo badan iyo diyaaradda oo si xun u burburtay ay keeneen in ay adkaato in durba la aqoonsado dadka.

Garoonka bannaankiisa waxaa tuban qoysas badan oo oo sugaya in ay helaan meydadka eheladoodii shilka ku dhintay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker