Israa’iil oo ka hadashay weerar gantaal oo ay saaka Xutiyiinta ku qaadeen Tel aviv

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in gantaal laga soo riday Yemen ay qabteen difaaca cirka subaxnimadii Sabtida “ka hor inta aanu gelin” hawada Israa’iil, iyagoo xusay in seeriga laga maqlay bartamaha Israa’iil si waafaqsan hab-maamuuska loo dejiyay.

Soo ridida gantaalkan ayaa yimid ka dib markii xubin ka tirsan xafiiska siyaasadda ee kooxda Xuuthiyiinta, Mohammed Al-Bukhaiti, uu ballan qaaday Jimcihii in ay sii wadi doonaan weerarrada Israa’iil ee ay ku garab taagan yihiin Falastiiniyiinta ku sugan Gaza, wuxuuna yiri “ma joojin doonno ilaa dambiyada xasuuqa iyo go’doominta Gaza la joojiyo.”

Hadalka Al-Bukhaati ayaa imaanaya kadib weerar cusub oo dhanka cirka ah oo Jimcihii lagu qaaday caasimadda Yemen ee Sanca, maalin kadib weerarro kale oo ay Israa’iil ka geysatay, sida ay sheegeen Xuutiyiinta gacanta ku haya caasimadda Yemen, waxayna ku eedeeyeen Mareykanka iyo Britain bayaan ay soo saareen.

Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan dalka Yemen Tim Lenderking ayaa sidoo kale sheegay in aysan ahayn in weeraro lagu qaado goobaha rayidka ay ku sugan yihiin, maalin kadib markii Israa’iil ay duqeysay garoonka caalamiga ah ee Sanca.

Waxa uu intaa ku daray in dekedaha iyo garoommada diyaaradaha ay yihiin halbowlayaasha muhiimka u ah gurmadka Yemen, isagoo xusay in dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta Yemen ay muddo bilo ah weerar ku ahaayeen Israa’iil, sida uu yiri.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Israa’iil, Maraykanka iyo Britain. Pentagon-ka ayaan weli ka jawaabin codsi Jawaa ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker