Qalalaasaha ka taagan Mozambique oo sii baahaya xilli dhimasho iyo dhac la soo werinayo
In ka badan 1,500 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla Mozambique, iyagoo ka faa’iideysanaya qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay muranka natiijada doorashada, sida ay booliisku sheegeen.
Soddon iyo saddex qof ayaa la dilay, 15 kalena waa la dhaawacay iska horimaad dhexmaray maxaabiista iyo ilaalada, sida uu sheegay taliyaha booliska Bernardino Rafael shir jaraa’id.
Waxa uu intaas ku daray in ilaa 150 ka mid ah maxaabiista baxsadka ah dib loo soo qabtay tan iyo markaas.
Dibadbaxyo rabshado wata ayaa qarxay Isniintii kaddib markii maxkamadda ugu sarreysa Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga talada haya ee Frelimo, oo xukunka hayay tan iyo 1975, uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimada ee bishii Oktoobar.
Mucaaradka ayaana dhankooda qaaddacay doorashadaas, sheegayna in ay la dhacay natijada doorashada ayna is caleemasaarayaan iyagu.