Nuxurka Kulan Dhexe maray Madaxweynaha iyo Shirgudoonka labada Gole iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta ku qaabiley Xafiiskiisa Shir Gudoonka Labada Golle (Guurtida iyo Wakiilladda) Mudane, Saleebaan Maxamuud Aadan Iyo Prof Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed. Madaxweynuhu waxa uu uga mahadnaqay Odayaasha ka wada shaqaynta Danaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Sidoo kale, waxay wax iska waydiiyeen sidii tallo Qaran looga yeelan lahaa shaqaaqooyinka ka dhacay Magaaladda Ceerigaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag iyo sidii xasiloonida Bulshada loo adkayn lahaa.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu Hay’adaha Qaranka ee Sharci dejinta iyo Garsoorka u balan qaaday inuu la yeelan doono wada shaqayn dhaw.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker