Suuriya oo saaladda jimcaha kadib ay ka dhacayaan dibedbaxyo waaweyn

Hogaamiyaha xoogagga mucaaradka dalka Suuriya ee xukunka ka tuuray madaxweynihii dalkaas, Bashaar al-Assad, ayaa shacabka dalkaas ugu baaqay in maanta, salaada jimcaha kadib ay isugu soo baxaan waddooyinka dalka, si loogu dabaal dago guusha laga gaaray in la rido madaxweynaha.

Dibedbaxyadan waaweyn ayaa soo af-jari doona dhamaanka ku dhowaad 50 sano oo ay xukunka hayeen qoyska reer Asad.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Antony Blinken, ayaa dhiggiisa kula kulmay magaalada Ankara, si ay uga wada hadlaan xaaladda dalka Suuriya, kuwaas oo dalalkooda ay kala taageeraan ciidamo iska soo horjeeda.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay ka wada hadlaan sii socoshada dagaallada ka socda waqooyiga Suuriya, ee u dhaxeeya ciidamada Kurdiyiinta oo taageero ka helaya Mareykanka iyo jabhado uu Turkigu taageero, kuwaas oo la safan kooxda Hayat Tahriir al-sham HTS ee xukunka ka tuurtay madaxweynihii dalkaas Suuriya, Bashaar Al-Asad.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker