Waxaa sii kordhaya walaaca laga qabo wadashaqeynta kooxda Xayaat Taxriir al-Sham ee hoggaamineysay gulufka iyo jabhadaha kale

Guushan la yaabka leh ee ay Jabhadaha Suuriya ka gaareen waxaa hoggaaminaya kooxda ugu awoodda badan Islaamiyiinta ee Xayat Taxrir al-Sham oo ah cudud siyaasadeed iyo mid militari.

Waxay kooxda soo caanbaxday kacdoonkii Suuriya ee 2011-kii iyada oo xiriir leh Al-Qaacida laakiin waxay si rasmi ah xiriirka u jartay 2016-kii.

Muddo sanado ah, hogaamiyahooda Abu Mohammed al-Jawlaani waxa uu isku dayayay in uu wax ka bedelo sumcadda kooxdiisa ee dibadda, isaga oo fulinaya xukun adag oo Islaami ah oo ka jira geeska waqooyi-galbeed ee Suuriya oo uu ka talinayay.

Dhawaan, wuxuu u xaqiijiyay bulshooyinka laga tirada badan yahay ee Suuriya inaysan jirin sabab ay uga welwelaan. Hase ahaatee, Kooxda Xayaat Taxriir al-Sham waxa ay wali dawladaha reer galbeedku u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Waxa kale oo jira walaac ku saabsan sida ay ula shaqayn doonto jabhadaa kale, oo ay ku jiraan koox ka mid ah malayshiyaadka uu Turkigu taageero ee loo yaqaan Ciidanka Qaranka Suuriya, dagaalyahannada Kurdiyiinta ee waqooyi-galbeed, iyo koox cusub oo la sameeyay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker