Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha reer Galbeedka oo soo dhaweeyay dhicitaanka madaxweyne Assad

Ingiriiska, Faransiiska iyo Jarmalka ayaa soo dhaweeyay dhicitaanka Assad.

Hogaamiyayaasha reer galbeedka ayaa soo dhawaynaya dhicitaanka taliska Asad ee Suuriya.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa bartiisa bulshada soo dhigay: “Dawlad bahalnimo ayaa dhacday, ugu dambeyntii.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Suuriya, geesinimadooda, dulqaadkooda, xilliga hubanti la’aanta ah, waxaan u dirayaa hamigayga nabadda, xorriyadda, iyo midnimada. Faransiiska wuxuu sii ahaan doonaa mid ay ka go’an tahay ammaanka dhammaan Bariga Dhexe.”

Hogaamiyaha Jarmalka Olaf Scholz ayaa ku tilmaamay dhicitaanka Assad “war wanaagsan” wuxuuna ku booriyay xal siyaasadeed oo lagu xasilinayo Suuriya, sida ay sheegtay AFP.

“Bashaar Al-Asad waxa uu si naxariis darro ah u dulmay dadkiisa, waxaana uu dad badan uhorseeday in ay qaxaan, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah ay gaareen Jarmalka,” ayuu yiri Scholz, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka UK Angela Rayner ayaa sheegtay in haddii taliska Asad uu dhacay ay dowladdu “soo dhawaynayso warkaas”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker