Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana kulankaas lagaga wada hadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan hawlaha xisbiga ee mustaqbalka iyo kuwa haatan hor yaallaba.
May be an image of 12 people, lighting, table and dais
Madaxweynaha, ayaa xubnaha hoggaanka xisbiga uga mahadnaqay sidii xilkasnimada lahayd ee ay uga shaqeeyeen hawlihii adkaa ee xisbigu soo maray muddadii lagu jirey ololihii doorashooyinka madaxtooyada iyo xisbiyada, iyaga oo hoggaankuna dhankooda madaxweynaha uga mahadceliyeen sidii uu ugu garab galay shaqooyinkii adkaa ee lasoo maray iyo taaariikhda ma guurtada ah ee uu kaga tegayo xilka madaxweynenimo.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa hoggaanka sare xisbiga KULMIYE oo haatan mucaarid noqonaya kula dardaarmay inay baxnaaniyaan waqtina siiyaan xukuumadda dhawaan xilka hoggaaminta dalka la wareegi doonta, islamarkaana mucaaradaddooda ka dhigaan mid wax dhisaysa sidii ay horeba caanka ugu ahaayeen ka hor intii aanay hoggaaminta dalka ku guulaysan.
May be an image of 10 people, table, dais and text
Xubnaha hoggaanka xisbiga KULMIYE, ayaa si mug leh ugu bogaadiyey Madaxweynaha garab istaaggii iyo taageeradii luxdanayd ee uu xisbiga u muujiyey muddadii uu hoggaaminayey iyo waqtigii uu murrshaxa ahaaba, iyaga oo taageerayaashii xisbiga KULMIYE-na si weyn ugu mahad celiyey.
May be an image of 9 people, dais and text
Kulankan waxa qayb ka ahaa xildhibaannada xisbiga KULMIYE ku metela golaha wakiillada, iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, kuwaas oo madasha kasoo jeediyey aragtiyo la xidhiidha sidii xisbiga KULMIYE dib isugu habayn lahaa, bulshadana u hor iman lahaa isaga oo intii hore ka xooggan.
May be an image of 10 people, people studying, newsroom and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, headscarf, dais and text

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker