Beesha Calawiyiinta ee madaxweyne Bashar Al-Asad oo ka qaxaya magaalada Xoms
Xubnaha ka soo jeeda beesha Calawiyiinta ee laga tirada badan yahay ee madaxweyne Asad ayaa u ordaya inay isaga baxaan magaalada Xoms, iyadoo muuqaallo laga duubay ay muujinayaan waddooyinka oo baabuurta ay buux dhaafiyeen.
“Ciidamadeennu waxay xoreeyeen tuuladii ugu dambeysay ee duleedka magaalada Homs, waxayna hadda ku sugan yihiin darbiyadeeda,” ayay kooxda Suuriya ee hoggaaminaysa weerarka ku sheegtay
Kooxda SOHR ayaa mar sii horreysay sheegtay in fallaagada ay dhowr kiilo mitir u jiraan magaalada.
SOHR waxay sheegtay in diyaaradaha Ruushka ay duqeeyeen buundada ku dhow Rastan si ay iskugu dayaan oo ay u hakiyaan horusocodka Jabhadda.
Kadib markii militariga Suuriya ay lumiyeen gacan ku haynta magaalada Xama kadib dagaallo maalmo socday, ma cadda in ay awood u yeelan doonaan in ay difaacdaan Xumus.
Wasaaradda gaashaandhigga ayaa beenisay sheegashada ah inay ciidamadeeda kala baxday magaalada istiraatiijiga ah, taasoo xiriirisa caasimadda Dimishiq iyo xudunta beesha Calawiyiinta ee xeebta Mediterranean-ka.
Calawiyiintu waa koox laga tiro badan yahay oo Shiicada Muslimiinta ah oo ay ka soo jeedaan qoyska Asad.