Shimbirta ugu da’da weyn dunida oo ukun dhashay iyadoo 74 sano jir ah

Shimbirta ugu da’ada weyn dunida oo ah shimbir duurjoog ah, ayaa dhashay ukun iyadoo da’adeedu ku dhowdahay ilaa 74 sano jir, sida ay sheegeen khubarada ku takhasusay cilmiga noolaha ee Mareykanka.

Wisdom, Laysan albatross, ayaa waxaa duubay waaxda kalluunka iyo duurjoogta ee Maraykanka (USFWS) iyadoo ku sugan xerada badbaadada duur-joogta qaranka ee Midway Atoll ee Badweynta Baasifiga iyada oo xiligaas ilaalineysay ukunta.

Shimbiraha noocan ookale ah, inta badan waxay noolaadaan 12-40 sano, balse Wisdom waxay dhalatay lixdameeyadii, waxaa baaris lagu waday tan iyo sanadkii 1956, iyadoo un markaas jirta 5 sano.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker