Shirka looga hadlayo cimilada ayaa ka furmay magaalo urka shidaalka aad dareemeyso
Azerbaijan waxyaabaha ay dibadda u dhoofiso boqolkiiba 90 waa shidaal, taasina waxay ka dhigan tahay in Baku aysan aheyn meel ku fiican in shirka lagu qabto. Waxay ka kulushahay Dubai oo aheyd halkii sanadkii hore shirka uu ka dhacay.
Hadaba maxay tahay sababta loogu qabtay halkaasi? Hoggaanka shirka isbeddelka cimilada COPE waxa uu ku wareegaa shan gobol. Sanadkan waxay aheyd sanadkii Yurubta bari.
Bulgaria ayaa markii hore dooneysay in ay martigeliso balse Ruushka ayaa taas hor’istaagay sidaas ayaana Baku lagu doortay.
Koox BBC-da ka tirsan oo tagtay shirka ayaa ka sheekeeyay wixii ay la kulmeen. Waxay sheegeen in markii hore ay u hasytaan wararka suuqa in magaalada shidaal ka soo urayo balse markii ay tageen halka uu ka dhacaya shirka ayey dareemeen sida in ay galayaan kaalin shidaal oo weyn. Urka shidaalka waxa uu ahaa mid aad u xoogan oo si weyn u dareemeen.
Hakan waxaan idinkugu haynaa muuqaalada wufuuda imaaneysa shirka




