Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in maamul goboleedyada khilaafku kala dhaxeeyo ay wadahadal la galayaan
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyada ee khilaafku uu kala dhaxeeyo ay ka dowlad federal ahaan kala hadlayaan tabashadood horreyna ay ula hadleen.
Madaxweyne Xasan oo u hadlayay qaab u u muuqday in howshaan xallinteedu u taallo madaxda guudahaan dowladda federaalka ah, ayaa tilmaamay in xitaa si ay ula hadlaan madaxdan ay u diyaar u yihiin in loogu tago deegaannadooda, haddii iyagu oggalyihiin in ay u yimaadaanna ay arrintaa ka dalbanayaan.
Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay in is mari-waaga jira uu meesha ka bixi doono, maadama sida uu sheegay masโuuliyiintaan ay horey qayb uga ahaayen goโaanno masiiri ah oo dalka lagu hoggaamiyay.
Hadalkaan ayuu ka sheegay madaxweynuhu kulan casho ahaa oo xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya uu xalay ugu sameeyay magaalada Muqdisho , waxaana uu ka dalbaday kulan gaar ah oo uu ku hortagayo fadhiga baarlamaanka.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli shirka Golaha Wadatashiga Qaran uu Muqdisho ka socdo isla markaana uu dhawaan ka baxay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, halka Puntland-na ay horey uga maqneed khilaafka dowladda federaalka kala dhaxeeya dartii.