Xisbullah oo weeraro ku qaaday saldhig ciidan oo ku yaalla gudaha Israa’iil
Xisbullah ayaa sheegtay inay weerar loo adeegsaday diyaarad aan duuliye lahayn ku qaadday saldhigga ciidammada cirka Israa’iil ee koonfurta Tel Aviv, ayna bartilmaameedsadeen “xarunta sirdoonka” ee waqooyiga Israa’iil.
Warar hor leh oo ay soo saartay kooxdu ayaa waxay sheegtay in ay saaka aroortii “in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn” weerar ay u adeegsatay ay ku qaaday saldhigga ciidamada cirka ee Tel Nof ayna “ku guulaysteen” bartilmaameedyadoodii.
Kooxda ayaa sheegtay in ay sidoo kale weerar gantaallo ah ku qaadeen degaanka Kiryot ee waqooyiga Haifa iyo tuulada xudduudda ku taalla ee Aita al-Shaab.
Waxay kaloo sheegeen in weeraro lagu qaaday saldhigga Mishaar, oo ay Xisbullah ku tilmaantay “xarunta ugu weyn ee sirdoonka gobolka waqooyiga ee Safed”, iyo deegaanka al-Mushayrifa ee ku yaalla Ras al-Naqoura.
Warkaan ayaa imaanaya kadib markii ciidamada Israaโiil ay sheegeen in ay ka hortageen tiro gantaallo ah iyo afar diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo saaka lagu bartilmaameedsay deegaannada Galbeedka iyo sidoo kale aagga Galiil.




