Dad ku dhintay duqayn culus oo ka dhacday Magaalada Beirut

Waxay xalay ahayd habeen kale oo Israel ay si ba’an u garaacday Magaalada Beirut, iyadoo isku dayeyso in ay burburiso xarumaha Ururka Xisbullah ee magaaladaasi.

Qaraxyo waaweyn ayaa xalay ruxay Caasimadda Beirut, ka dib markii diyaaradaha dagaalka Israel ay garaaceen bartilmaameedyo ku yaala dhanka koonfureed ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in diyaaradaha dagaalku ay si saf mareen ah u garaacayaan dhismayaasha ay Israel ku tuhmeyso inay leeyihiin Xoogaga Xisbullah amaba ay hubka ku kaydsadaan.

Warbaahinta gobolka ayaa sheegeysa in Israel ay u muuqato mid si gaar ah u beegsaneysa xaafadaha koonfureed ee Beirut, marka loo eego qaybaha kale ee magaalada, isla-markaana ay qoysas fara-badan duqaymuhu ku khasbeen in ay ka cararaan guryahooda.

Wasaaradda Caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 qof lagu dilay duqaymihii xalay, oo ay ku jiraan dhowr carruur ah.

Saamaynta weerarada xagga cirka ee Israel ayaad ka garan kartaa burburka weyn ay u gaysanayaan dhismayaasha magaalada.

Israel ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeysay ballaarisay weerarada ay ku hayso Xisbullah, inkastoo lagu cambeereeyay weeraradaasi oo lagu sheegay kuwo aan kala sooc lahayn.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker