Maayarkii degmada Ceel-Afweyn iyo xildhibaanno uu hoggaaminayo oo kusoo biiray xisbiga KULMIYE
Mudaneyaal gole deegaan oo kasoo baxay xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo WADDANI, islamarkaana uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Ceel-Afweyn, Mudane Maxamed Aadan Digaale, ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inay kasoo digo-rogteen xisbiyadii ay kasoo baxeen, una soo biireen xisbiga KULMIYE.
Xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahan wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay mudaneyaashan go’aansaday inay ku soo biiraan xisbiga KULMIYE.
Mudaneyaasha maanta kusoo biiray xisbiga KULMIYE, ayaa kala ah maayarka degmada Ceel-Afweyn xildhibaan Maxamed Aadan Digaale oo hore uga soo baxay xisbiga UCID, Xildhibaan Biixi Cabdilaahi Axmed oo kasoo baxay UCID iyo xildhibaan Cilmi Axmed Diiriye ooh ore uga soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.