Madaxweynaha Ukraine oo khudbad uu taageero ku dalbanayo ka jeedin doona shirka Qaramada Midoobay ee Mareykanka ka dhacay

Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, ayaa lagu wadaa in gelinka dambe ee maanta uu khudbad ka jeediyo fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku yeelanayo magaalada New York, kaasoo uu ku boorin doono taageero weyn oo dalkiisa laga siiyo dagaalka uu kula jiro Ruushka.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu siiyay ABC News, Mr Zelensky wuxuu sheegay in “qorshihiisa guusha” ay ku jiraan xirmo lacag, hub iyo dammaanad amni oo uu ka doonayo reer galbeedka, taasoo uu rajeynayo inay u soo jiido Ruushka dhanka miiska wadahadalka.

Mr Zelensky ayaa sidoo kale lagu wadaa in uu hadal ka jeediyo shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo ka furmaya New York galinka dambe ee Talaadada. Madaxweyne Biden ayaa lagu wadaa inuu khudbadiisii ​​ugu dambeysay u jeediyo Qaramada Midoobay ee madaxtinimadiisa iyadoo la filayo inuu ka hadlo colaadda Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker