Qaraxyo ka dhacay koonfurta Lubnaan iyo warar dheeraad ah oo laga helayo

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinaya qaraxyo waaweyn oo ka dhacay koonfurta Lubnaan halkaas oo millatariga Israaโ€™iil ay sheegeen in ay ka bilaabeen weerarro baahsan oo ay ku bartilmaameedsanayaan Xisbullah ka dib markii shalay Israaโ€™iil lagu weeraray gantaallo waaweyn.

Israa’iil ayaa sheegtay in weerarrada maanta la filayo in ay dhacaan ay muhiim u yihiin.

Af hayeenka militariga Israa’iil Daniel Hagari, ayaa sheegay saaka in dadka degan koonfurta Lubnaan la siiyay fariin ah inay ka fogaadaan xarumaha Xisbullah.

Mar ay saxafiyiintu waydiiyeen suurtagalnimada duulaanka Israa’iil ee dhulka, wuxuu sheegay in Israa’iil “ay sameyn doonto wax kasta oo loo baahan yahay” si ay si nabad ah ugu celiso dadkii laga soo daad gureeyay guryahooda oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil.

Shalay, Xisbullah ayaa gantaallo ku ridday dhulka Israaโ€™iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker