Xasan Sheekh iyo Afwerki oo ka wada hadlay arrimaha Gobolka

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa kulan-doceed ku yeeshay magaalada Beijing ee dalka Shiinaha sida lagu baahiyay Telefishinka dowladda Soomaaliya ee SNTV.

Waxa la sheegay inay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan dhinacyada iskaashiga amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka.

SNTV ayaa sidoo kale boggeeda Facebook ku sheegtay in dhanka kale ay labada hoggaamiye ka wada xaajoodeen Waxay xoojinta iyo ahmiyadda iskaashiga dagaalka lagula jiro argagixisada iyo sare u qaadida danaha istaraatijiyeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker