Matthew Miller: Waa waqtigii la dhameen lahaa dagaalka Gaza

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Matthew Miller ayaa sheegay in la joogo waqtigii la soo afjari lahaa colaadda Gaza, lana sii deyn lahaa maxaabiista.

Afhayeenka oo gelinkii dambe ee Talaadadii Warbaahinta la hadlay ayaa Israel iyo Xamaas ugu yeeray inay dhameystiraan heshiiska.

“Waa waqtigii la dhameen lahaa dagaalka Gaza, waana waqtigii la dhameystiri lahaa heshiiska.” Ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Afhayeenka ayaa yiri “Dadka Israel ma awoodaan inay sugaan waqti dambe. Shacabka Falastiin ayaa sidoo kale la ildaran saameynta xun ee dagaalkan, mana awoodaan inay sugaan waqti kale. Dunida ayaa iyana sugi karin in waqti dambe uu lumo.”

Matthew Miller ayaa intaasi ku daray in Mareykanka uu la shaqayn doono saaxiibada gobolka, si loo riixo buu yiri heshiis kama dambeys ah.

Khalil Al-Hayya oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in Xamaas ay diyaar u tahay heshiiska, loona baahan yahay in Israel ay iyana aqbasho.

Wada hadaladii ugu dambeeyay ee bishii August ka qabsoomay Masar iyo Qatar ayaa lagu guuldareystay in heshiis lagaga gaaro xabad joojinta Gaza, ka dib markii Israel ay ku adkeysatay inaysan ciidamadeeda kala bixi doonin Philadelphi Corridor iyo Netzarim.

Raysal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii ku celiyay inaysan marnaba ciidamada ka soo saari doonin Waddada Philadelphi ama Philadelphi Corridor ee ku taala xadka Marinka Gaza iyo Masar.

Ezzat Al-Rishq oo ka tirsan Saraakiisha Ururka Xamaas ayaa sheegay in Netanyahu uu yahay shakhsiga diidan in wada hadaladu ay shaqeeyaan.

Matthew Miller, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay ka soo horjeeddo in Israel ay muddo dheer ku sii sugnaato Philadelphi Corridor.

Mareykanka ayaa arka in Israel ay carqaladeynayso wada hadalada, haddana waxaa muuqata illaa iyo hadda inuusan adeegsan awoodiisa, si loo soo afjaro colaaddan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker