Qaramada Midoobay Oo Amartay In La Baadho Xad-gudubyada Dagaalka Ee Itoobiya
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa amar ku bixiyay in baadhitaan caalami ah lagu sameeyo xad-gudubyadii laga geystay Itoobiya intii ay socdeen colaadaha.
Nada al-Nashif, ku xigeenka madaxa xuquuqul insaanka, ayaa sheegtay in Qaramada Midoobay ay heleyso warbixinno lagu kalsoonaan karo oo sheegaya in dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka 13-ka bilood ah ee arxan darada ah ay gaysteen xadgudubyo daran oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. iyada oo ay jirto xiisad bini’aadantinimo oo sii xumaanaysa.
“Khatarta Itoobiya ka jirta ay sii kordhiso nacaybka, rabshadaha iyo takoorka, taas oo horseedi karta rabshado guud oo saamayn weyn leh, maaha oo keliya malaayiin qof oo ku nool Itoobiya, laakiin sidoo kale gobolka oo dhan. ”ayay tidhi Al Nashif.
Midowga Yurub ayaa ku baaqay fadhi gaar ah oo golaha uu ku yeesho magaalada Geneva ka dib markii kooxaha xuquuqul insaanka ay sheegeen in xadgudubyada la galay in ka badan hal sano oo colaad ah ay noqon karto dambiyo dagaal.
Hase yeeshee dowlada Itoobiya ayaa ku gacan seyrtay warkan ka soo yeedhay Qaramada Midoobay iyadoo ku tilmaantay mid siyaasadeysan.