Kamala Harris oo si rasmi ah u aqbashay in xisbigeeda ay ku mataleyso doorashada Mareykanka

Kamala Harris ayaa aqbashay magacaabista xisbigeeda si ay u noqoto musharraxa madaxweyne ee Mareykanka iyada oo sacab aad u weyni lagusoo dhaweeyay hadalkeeda gabagabada Shirweynaha Qaran ee Dimuqraadiga.

Waxay u sheegtay taageerayaasha, calamada lulaya ee Chicago in waddanku uu haysto fursad dabo-gal ah oo uu kaga gudbi karo kala qaybsanaanta.

Ms Harris waxa ay sheegtay in haddii ay noqoto madaxweyne, ay xaqiijin doonto doorashooyin xor iyo xalaal ah, kobcin doonto ku dhaqanka sharciga oo ay awoodda u wareejin doonto si nabad ah.

Dhanka dhaqaalaha, waxay ballan-qaadday canshuur dhimis loogu talagalay dabaqadda dhexe. Iyadoo ku eedaysay Donald Trump iyo Republicans-ka inay doonayaan inay soo saaraan mamnuucid ilmo iska soo xaaqid oo dalka oo dhan ah, waxa ay tiri, “Maskaxdooda ma shaqeyneyso.”

Dhanka socdaalka, waxay sheegtay in Mr Trump uu dilay heshiis amni xudduudeed oo laba geesood ah oo uu soo bandhigay maamulka Biden dano siyaasadeed oo isaga u gaar ah awgood.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker