Somaliya oo u hanjabtay diyaarada Ethopian Airline
Soomaaliya ayaa cadho ka muujisay qaabka ay diyaaradaha FlyDubai iyo Ethiopian Airlines uga shaqeeyaan Somaliland, waxayna ku hanjabtay in la joojin doono duulimaadyada diyaaradahaasi haddii ay madaxbannaanida Soomaaliya ixtiraami waayaan.
Waxayna Dawladda Soomaaliya ka dalbatay shirkadaha Diyaaradaha FlyDubai iyo Ethiopian Airlines inay ilaaliyaan madaxbannaanida Soomaalida, website-yadoodana ka saaraan magaca “Somaliland”, kuna beddelaan “Somalia”





