Ku dhawaad 30 shiico ah oo ku dhintay shil baabuur
Bas ay la socdeen Shiico Pakistani ah ayaa ku rogmaday dalka Iran, waxaana ku dhintay ugu yaraan 28 rakaab ah, sida ay ku warrantay warbaahinta dowladda Iran.
Shilkan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay gobolka Yazd ee badhtamaha dalka Iiraan, waxaana loo sababeeyay cillad ku timid habka biriigga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganaysa baaritaanno horudhac ah oo ay booliska sameeyeen.
23 kale oo rakaab ah ayaa ku dhaawacmay, todobo ka mid ahina ay aad u liidato, sida uu TV-ga qaranka u sheegay agaasimaha maamulka xasaradaha ee gobolka.
Dadkan ayaa ka soo socdaalay gobolka Sindh ee dalka Pakistan, waxayna ku sii jeedeen magaalada barakeysan ee Karbala ee dalka Ciraaq si ay u xusaan mid ka mid ah dhacdooyinka ugu waaweyn ee taariikhda Shiicada.
Ilaa 53 qof ayaa la rumeysan yahay inay saarnaayeen baska markii uu shilku dhacay, sida uu ku waramay wargeyska Dawn News ee Pakistan, oo ay ku jiraan dad ka yimid Larkana, Ghotki iyo magaalooyinka Sindh.
Kow iyo toban dumar ah iyo 17 rag ah ayaa ka mid ah dadka ku dhintay shilkan, sida uu sheegay agaasimaha maamulka xasaradaha Cali Malekzadeh.
Baska ayaa ku gubtay afaafka hore ee koontaroolka Dehshir-Taft ee dalka Iran, una jirta 681km (423 miles) koonfurta caasimadda Tehran, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.




