Dalka loo maro tahriibka lagu tago Mareykanka ee soo tarxiilaya tahriibayaal dhex marayay

Duulimaddii ugu horreysay ee uu Maraykanku maalgeliyo oo dib u celinaysa muhaajiriinta si aan caadi ahayn ugu tallaabay Panama ayaa la qorsheeyay Talaadada maanta ah, xafiiska madaxweynaha Panama ayaa sidaas sheegay Isniintii shalay.

Duulimaadyada, oo qaadi doona muhaajiriin la soo tarxiilay iyo kuwa iskood ah labadaba ayaa qayb ka ah heshiis lala saxiixday dowladda Mareykanka bishii hore.

Dowladdu ma faah faahin halka uu duulimaadkii ugu horreeyay ku socday.

Madaxweynaha Panama Jose Raul Mulino ayaa xilka la wareegay horraantii bishii Luulyo isagoo ballan qaaday inuu wax ka qaban doono tahriibka iyada oo loo marayo farqiga khatarta ah ee Darien Gap ee isku xira Panama iyo Colombia.

Gobolka kaymaha ayaa sanadkii hore lagu arkay tiradii ugu badneyd ee tahriibayaal ah oo gudbey, in ka badan nus malyuun, iyadoo badi ay ku wajahan yihiin Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker