Bajaajleyda Muqdisho oo adeeg xumo dhanka dawladdaa ka cabanaya
Magaalada Muqdisho waxaa sii kordhyaya cabashada ay qabaan gaadiidleyda magaalada gaar ahaan wadayaasha bajaajta oo sameeyey dibadbax ay kaga cabanayaan sida ay sheegeen cashuur lagu kordhiyay, adeeg xumana ay u dheer tahay marka ay noqoto dhanka dawladda.
Cilmi Makaraan Guuleed oo ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee gudiga wadayaasha gaadiidka bajaajta ee gobolka Benaadir ayaa BBC-da u sheegay in cashuur ka badan 200 oo dollar la saaray, sida oo kalena si fudud la isaga xidhi karo loona dili karo, isla mar ahaantaana aanay cashuurtooda dawladda kaga helin adeeggii ay u baahnaayeen.
Dhanka kale waxaannu la xidhiidhnay maamulka Gobolka gobolka Banaadir si ay uga jawaabaan eedaha guddida wadayaasha bajaajta, bal se way ka cudurdaarteen




