Soomaaliya oo heshiis gaashaandhig la saxiixatay dalka Masar

Dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa kala saxiiday heshiis dhinaca difaaca iyo amniga ah kadib shir ay yeesheen Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa Cabdulfataax Al-Sisi.

Labada Madaxweyne ayaa si wadajir ah u xaqijiyay in iskaashiga difaac ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor loogu qaadayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Heshiiskaan cusub ee difaaca ayaa waxa uu dhabbaha u xaari doonaa iskaashi dhow oo ay yeelan doona wasaaradaha difaaca iyo amniga eel abada dal, waxaana lagu balamay in la fuliyo gorsheyaal wadajir ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca iyo amniga ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker