Dabley hubeysan oo toogasho ku dishay Guddoomiye ku xigeenkii Maaliyadda Degmada Beledweyene
Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya ayaa sheegaya in xalay dabley hubeyssn ay toogasho ku dileen Guddoomiye ku xigeenkii dhinaca maaliyadda ee maamulka degmadaasi.
Guddoomiye ku xigeenka oo lagu magacaabi jiray Cabdisahal Shuuriye ayaa waxa uu ku sugnaa bartamaha magaalada markii dabley hubeysani ay rasaaseeyeen taas oo sababtay dhaawac markii hore soo gaaray, kaas oo uu mar dambe u geeriyooday.
Dableyda dilka geeysatay ayaa goobta isaga baxsatay, waxaana socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka Beledweyne.




