Maxamed Yunus oo hoggaamin doono Dowladda Kumeel Gaarka Bangladesh
Maxammed Yuunus oo horay ugu guuleystay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa hoggaamin doona dowlad kumeel-gaar ah oo yeelaneyso Bangladesh, maalin kaddib marki ay is casishay kaddibna dalka isaga carartay, ra’isulwasaarihi muddada dheer dalkaasi xakumeysay haweeneyda lagu Sheikh Hasina.
Sheekh Xasina ayaa Isniintii soo gaba gabeysay 15 sano oo xiriir ahaa oo majaraha u heysay siyaasadda dalkaasi dhaca koofurta Aasiya, kaddib dibadbaxyo uu dhiig badan ku daatay oo dalkaasi ka socday muddo todobaadyo ah.
Joynal Caabidiin oo ah xoghayaha warfaafinta madaxweynaha Bangladesh Mohammed Shahabuddin, ayaa sheegay in go’aanka magacaabista Maxammed Yuunus uu ka soo baxay, kulan wadatashi ah oo ay Arbacadi shalay yeesheen, saraakiisha sare ee millatariga, hogaamiyaasha ardadyi dibadbaxyada dhigtay, ganacsatada iyo xubnaha bulshada rayidka.
Yunus oo muddo dheer mucaarad ku ahaa siyaasadda Sheekh Xasina, ayaa lagu wadaa in uu kasoo laabto magaalada Paris, halkaas oo uu uga qeybgalay ciyaaraha Olimbikada Adduunka, isaga oo lataliye u ah guddiga qaban qaabada.
Maxammed Yuunus oo ah dhaqaalayahan iyo bangaariye, ayaa sumbac ku helay shaqadi layaabka laheyd ee ka qabtay horumarinta dhaqaalaha Bangladesh, gaar ahaan amaahdi uu bankigiisa Grameen uu siin jiray dadka saboolka ah balse leh fikradaha hal-abuur.
Howshaas oo uu soo billaabay sannadki 1983-ki, ayuu faqriga uga saaray kumannaan qof oo isu baddalay ganacsato yar yar iyo kuwo jeeb weyn. Tallaabadaas ayuuna ku muteystay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda oo uu helay sannadki 2006.