Isbarbardhigga awoodda militeri ee Iran iyo Israa’iil iyadoo cabsida weerarka Iran ay sare u sii kacayso
Xiisadda Iran iyo Israa’iil ayaa cirka iska sii shareereyso iyadoo laga cabsi qabo in Iran ay weerarto Israa’iil .
Toddobaadkii la soo dhaafay kadib dilkii hogaamiyihii siyaasada ee Xamaas Ismail Haniyah ayuu xaalka sii xumaaday, kaas oo Iran ay ku eedaysay Israel ayna wacad ku martay inay qaadeyso tallaabo aargoosi oo “aad u daran”. Israa’iil ma sheegan mas’uuliyadda dilka. Haddaba maxaanu ka naqaanaa awoodda milleteri ee labada dal:
Awoodda ciidan iyo hub ee Israa’iil
Israa’iil waxay leedahay mid ka mid ah miletariga ugu awoodda badan adduunka, oo ay ku xoojiso in ka badan $3.8bn oo gargaar milatari ah sannadkii oo ay ka helaan Mareykanka.
Israa’iil waxay leedahay cudud ciidan oo baaxad leh oo ka kooban 169,500 oo ciidan milatari oo ka kala hawlgala, badda iyo ciidamada qalabka sida, sida uu qabo machadka caalamiga ah ee daraasaadka istiraatijiyadeed ‘(IISS) uu soo saaray 2023
Muwaadiniinta da’doodu ka weyn tahay 18 jir ee dalkaas ayaa looga baahan yahay in ay u adeegaan ciidamada; Marka ay ku biiraan, ragga ayaa la filayaa inay shaqeeyaan 32 bilood iyo haweenka oo iyana shaqeeya 24 bilood.
Sida laga soo xigtay Hay’adda Cilmi-baadhista Nabadda ee Stockholm (SIPRI), oo ah hay’ad cilmi-baadhis ku sameysa colaadda iyo hubka, Israa’iil waxay ku bixisay 23.4 bilyan oo doolar ciidamadeeda sannadkii 2022.
Haddaba aynu qayb qay iyo tiradeeda u dul istaagno:
Ciidammada
- 169,500 ciidan shaqaynaya
- 465,000 ciidammo kayd ah
Awooddooda dhanka dhulka
- 2,200+ taangi
- 530 madaafiic ah oo kala ah noocyada (SP, Towed, MRL, MOR)
Awoodda ciidan iyo hub ee Iran
Tirada militariga Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 523,000 oo leh cutubyo kala duwan ee ciidammada, sida uu sheegay machadka barashada istaraatijiyada ee fadhigiisu yahay UK.
Waxaa tiradani ka mid ah 350,000 oo ah ciidamada rigliga ah, iyo ugu yaraan 150,000 oo ah ciidamada ilaalada kacaanka ee loo soo gaabiyo (IRGC).
Waxaa sidoo kale jira 20,000 oo kale oo ah ciidamada badda isla markaana qeyb ka ah kuwa ilaalada kacaanka Islaamiga ee Iiraan.
Waxay ciidamadan ku howlgalaan tiro ah doomaha ilaalada xeebaha iyaga oo si gaar ah uga howlgala marin biyoodka Hormuz, oo horey dhowr iska hor imaad oo lagu afduubtay Maraakiib uu uga dhacay 2019.
Ciidamada ilaalada kacaanka Iran waxay sidoo kale maamulaan guutada lagu magacaabo Basij, oo ah xoogag si tabarucaad ah u howlagala islamarkana gacan ka geysta cadaadiska lagu sameeyo dadka dowladda ka soo horjeeda ee gudaha Iran.
Ciidammada ilaalada kacaanka Iiraan ee IRGC ayaa waxaa la asaasay 40 sano ka hor si ay u difaacaan nidaamka islaamiga ah ee Iran




