Dibad-baxayaasha Bangladesh oo ka diginin adag u diray madaxweynaha ka dib markii Sheekh Xasina dalka ka carartay

Dibad-baxayaasha ardayda ayaa ka digaya ‘tallaabooyin adag’ haddii aan baarlamaanka lakala dirin.

Hogaamiyayaasha mudaaharaadyada ayaa madaxweynaha Bangladesh Maxammed Shahabuddin ka dalbanaya inuu kala diro baarlamaanka 3-da wakhtiga maxaliga ah ee maanta, waxayna ka digeen inay “qaadi doonaan tillaabooyin adag” haddii dalabaadkooda la fulin waayo.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa gubashada [iyo] rabshadaha beeleed ee ka dhacaya meelo kala duwan oo dalka ah… Waxaan u baahannahay inaan u diyaargarowno sidii aan uga hortagi lahayn dadka afduubka u geysanaya dhaqdhaqaaqa,” ayuu Nahid Islam ku yiri muuqaal la soo dhigay barta Facebook ee xiriiriyaha mudaaharaadka Asif Maxmud.

Kooxda ayaa sheegtay in ay muddo gaaban soo bandhigi doonaan magacyada dowladooda ku meel gaarka ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker