Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil oo booqday halkii uu ka dhacay weerarkii carruurta lagu laayay

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu ayaa booqday magaalada Majdal Shams oo ah halkii lala beegsaday gantaallo ay ku dhinteen 12 qof oo carruur u badnaa Sabatidii la soo dhaafay.

Netanyahu ayaa wacad ku maray inuu jawaab adag ka bixin doono weerarkaas oo ay ku eedeyeen ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan. Xisbullah ayaa iska fogeysay eedaha Israaโ€™iil ee ku aaddan falkaan..

Ma cada ilaa iyo imika nooca tallaabada ay israaโ€™iil ka qaadi doonto Xisbullah, hase-yeeshee waxaa laga qabdin qabaa in labada dhinac uu dagaal ka dhex qarxo.

Weerarkaan ayaa Israaโ€™iil gaarsiiyay khasaarihii ugu xoogganaa tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhaxeeya Xamaas iyo Israaโ€™iil bishii Oktoobar ee sanadkii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker