Muran ka taagan natiijada doorasho ka dhacday dallka Venezuela
Ciidamada ammaanka ee dalka Venezuela ayaa sunta dadka ilmaysiisa iyo rasaasta cinjirka ka sameysan u adeegsaday dad ka bannaanbaxayay natiijada doorashada Axaddii dhacday ee muranku ka taaganyahay.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxaya bartamaha magaalada Caracas, iyadoo ay ku wajahnaayeen dhanka madaxtooyada.
Isu soo baxyada ayaa ka qarxay caasimadda dalkaas, maalin kadib markii madaxweyne Nicolรกs Maduro, uu sheegay inuu doorashada ku guuleystay.
Mucaaradka ayaa guusha Mr Maduro ku tilmaamay mid been abuur ah, iyagoo ku dooday in murashaxoodii Edmundo Gonzรกlez uu helay codad gaaraya boqolkiiba 73.2% isla markaana uu isagu guulaystay.




