Madaxweynaha Somaliland oo Xil ka qaadid Sameeyaay

Wareegtooyin Madaxweyne 17.07.2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal, Kuna magacaabay masuul cusub.

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Muumin Muuse Ducaale;
Guddoomiye Ku-xigeenkii Gobolka Awdal

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Maxamed Cali Cabdillaahi Dhimbiil laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda.

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker