Ciidamada Israa’iil oo markii ugu horreysay qirtay in ay ka gaabiyeen in Xamaas ay ka difaacaan deegaan u dhow Qasa
Tiro badan badan oo dad ah ayaa lagu deegaanka Kibbutz Be’eri marka loo eego bulshooyinka kale ee Israa’iil ee la kulmay weeraradii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar sanadkii hore.
Wasiirka difaaca Israaβiil ayaa ku baaqay in dowladda ay baaritaan ku sameyso waxa keenay weerarkii Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar, halka ay ciidamadu qirteen in ay gudan waayeen waajibaadkoodii ahaa in ay difaacdaan bulshada isla markaana lagu dilo dad gaaraya 101 qof Kibbutz Be’eri.
Yoav Gallant ayaa hadalkan sheegay ka dib markii warbixintii ugu horreysay ee ciidamada Israaβiil ay si cad u sheegtay sida ay ciidamadu u fuliyeen howlgallada Kibbutz Beeri, oo u dhow Qasa.
Dilka ayaa dhacay kadib markii rag hubeysan oo Xamaas ka tirsan ay gudaha u galeen guryihii ay degganaayeen.
Gallant waxa uu sheegay in loo baahan yahay baaritaan qaran oo madax-banaan si loo ogaado ficilada dhammaan kuwa awoodda haya, oo uu ku jiro raβiisal-wasaare Benjamin Netanyahu, iyo qaabka ay u kortay awoodda Xamaas tobankii sano ee la soo dhaafay.
Ku dhawaad ββ1,200 oo qof ayaa lagu dilay 251 kalena waxaa lagu qafaashay Qasa weerar kedis ahaa oo dhacay sanadkii hore.
Weerarkan ayaa dhaliyay howlgal ballaaran oo ciidamada Israaβiil ay ka fuliyeen marinka Qasa kaasoo ay ku dileen in ka badan 38,000 oo Falastiiniyiin ah.




