Dowladda Ingiriiska oo tillaabo ka qaaday wasirad ku baaqday joojinta dibadbax lagu taageerayay Falastiin

Xoghayihii arrimaha gudaha ee Britain Suella Braverman ayaa shaqada laga eryay.

Ra’iisul wasaare Rishi Sunak ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona golihiisa wasiirada, sida ilo ka tirsan dowladda Britain ay u sheegeen BBC-da

Dhawaan, Ms. Braverman waxay ku eedaysay booliiska London inay “ay dhinac la safteen” marka la eego sidii ay u maareeyeen dadkii taageersanaa Falastiniyiinta ee dibadbax ka dhigay London.

Wasiiraddaan ayaa dooneysay joojinta mudaharaadyada lagu taageerayay falastiiniyiinta, xillia ay wali socdaan duqeymaha diyaaradaha Israa’iil ay ka gaysanayaan marinka Qasa

Mudaharaadkaas oo Laba maalmood ka hor, London lagu qabtay wuxuu ahaa dibadbaxii ugu ballaarnaa ee lagu taageerayo Falastiiniyiinta.

Dhowr oo hore ayaa wasiiraddaan waxay ku baaqday in xakameeyo dadka soo galootiga ah ee dalka Ingiriiska, taas oo dad badan ku dhaliileen arrintaa

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker