Dacwad ka Dhana Cabdirisaaq Khaliif oo Loo Gudbiyaay Maxkamada Sare ee Somaliland

Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa loo gudbiyay dacwad ka dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, taasi oo ah in la laalo meeshana laga saaro xubinnimada Golaha Wakiillada ee Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka Somaliland, ayaa Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ku eedaysay in uu si cad uga hor yimid jiritaanka iyo qarannimada Somaliland, kadib markii uu taageeray Go’aankii Garaadada iyo Guddigii 33ka ahaa ee ku shiray Laascaanood.
Sidoo kale, waxaa lagu eedeeyay in uu ka been sheegay dhaartii uu ku dhaartay in uu Daacad u noqonayaa dalka Somaliland, dadkiisana ku maamulayo sinnaan iyo caddaalad.
Waxaa kale oo kamid ah eeddaha loo haysto Cabdirisaaq Khaliif, in uu 20 fadhi ka maqnaa Golaha Wakiillada cudur daar la’aan iyo in Ciidanka Qaranka Somaliland uu ku eedeeyay in ay gaysteen xasuuq, iyagoo waajibaadkooda gudanaya, sida xeer ilaalinta Somaliland sheegtay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker