Gudalakii mujaahidiinta SNM ee May 27,29 and 31 ee sanadkii 1988

Maalin walba waxaan marnaba ka guureyn xiska muwaadinkasta oo reer Somaliland ah oo damiir fayow leh gudagalkii Burco ee Bishii May 27kii iyo gudagalkii hargeysa ee Bishii May 13 sanadkii 1988.
Waxa ay xasuus dheraada u leedahay Mujaahidiintii Ciidanka Xoreynta SNM khaas ahaan qaybaha 12 ee Madiina iyo 31 ee Maka lagu wanqalay oo ahaa kuwii fuliyay hawlgalkii culsaa ee Burco iyo hargeysa lagu xoreeyay.

 

Xuska sanad guurada 32 ee ka soo wareegtay gud-galkii hargeysa iyo burco…..Hadaba xiligaasi oo ku beegnaa heshiiskii Afweyne Barre iyo Mengistu Hayle ay ku gaadheen dalka jabuuti ee uu Xasan Guleed dhexdhexaadinaayay, isagoo ula jeedada uu ka lahaa xasan guleed ay ahayd ku baabii jabhadii xaq u dirirka ee SNM. Waxa bishii April 4dii ee sanadkii 1988, bilaabmay fulinta heshiiskaa oo dhigaayayin la kala fogeeyo ciidamada xuduudaha degen,ayna kormeeraan madaxda qaybta 26aad oo ahaa ciidankii faqashta ee fadhigoodu ahaa hargeysa iyo galbeedkeeda iyo saraakiisha qaybta hararge ee bariga Itoobiya. Waxa u bilowday labadii dawladood ee Itoobiya and dawladii faqshta booqashooyin, iyo dawladii Itoobiya oo ku amartay Ciidamadii SNM in ay ka soo baxaan jiida hore ee xuduuda, laguna soo celiyo xeryo hub ka dhigis ah oo ku yaalay gudaha dalka Itoobiya. Sidoo kale waxa ciidamadii SNM ay ka joojiysay dawladii Itoobiya dhamaan taakulayntii saanada iyo shidaalka ee ay Itoobiya hore u siin jirtay SNM.

 

Waxa kor u kacay niyadii Ciidamada Somalia amaba Af-wayne oo ku hamiyay in ciidamadii SNM ay u qaybsami doonaan wax xuduuda ka soo talaaba oo is soo dhiiba iyo wax xeryaha Itoobiya ku abaada.
“Lakiin Af-wayne iyo faqash kunay darin in tii Ilaahay maqantahay, SNM talo meel u taalo”.
Waxay ciidamadii faqashtu bilabeen hawlgalo ay ku naafaynayaan cududa Ciidamadii SNM ee ku sugnaa xuduudaha dushooda. Taliyihii qaybta 26aad ee la odhan jiray Morgan ee naanaysta caanka ahi u baxday ee ah “ Cabdi Bile”, oo la hadlaayay saraakiishii iyo ciidamadii faqashta ee dulaanka ku soo qaaday ciidankii SNM ee fadhigoodu ahaa tuulada Cabdi Yusuf isagoo la dardaarmaaya ayaa waxa uu yidhi.” Waa tiro yar oo gaajoonaysa ma haystaan tekniko, mana jirto taakulayn xaga danbe uga imanysa, shaqo labaad oo dhinaca galbeedka ah ayaa isku wakhti hawlgalkiinu bilaabmayaa waa in aad qoorta ka soo wada xidhxidhaan, si ay kuwan gudaha joogaa ugu quus qaataan.

 

Dagaalkaas oo ay guusha meel sii dhigteen faqash may mahadin. Waxa uu hawlgalka hargeysa saddex malmood ka danbeeyay markii ciidamadii SNM ee qaybta 12aad ee Madiina ay weerar culus ku hilaaciyeen magaladii Burco, kaas oo ahaa May 27, 1988, Iyaga oo ciidamada faqash ay ka war hayso duulaanka ciidamada SNM eek u soo maqan. Faqash waxay dadwaynihii burco iyo haregeysa sareen culays xad-dhaaf ah waxay xasuus aan go’ayn u leedahay dadkii xiligaa joogay Burco iyo hargeysa.
Waxa ciidamadii faqashta la soo safay wadooyinka iyo xaafadaha hargeysa , burco, Berbera, ceerigaabo, gabilay iyo tuulooyin fara badan, waxay suuqyada iyo wadooyinka ka ugaadhsan jireen dadka shicibka ah ee maraaya iyagoo sidii ugaadha u ugaadhsanaaya, waxay magaalooyinkaasi muquurteen bandoo aan habeen iyo maalinba kala go ahayn.

 

Hawlgalkii Burco ee May 27 iyo kii cadaalay ee May 29, iyo kii hargeysa ee May 31, sanadkii 1988, oo maanta laga joogo 32 sanadood Ayaan wax ka waydiiyay mujaahidiin ahaa ragii hogaaminaayay saddexda dhacdo qaar ka mid ah, bal inay sawir kooban iga siiyaan maalintaa iyagoo ka jawaabaaya waxay yidhaahdeen:

Maalintaasi waxay ahayd maalin adag, waxay ahayd maalin la kala doortay geeri iyo nolol, waxay ahayd maalin ciidamadii SNM iyo shicibkoodiiba nolosha naceen kana door bideen in ay huraan naf iyo maalba. Waxay ahayd go’aan shacbi ka dhiidhiyay dulmi, waanay ka midaysnaayeen shacabkii iyo SNM gudo iyo dibadba. Fulinta go’aankas adag waxa ku suntanaa ciidamadii xoreynta SNM oo si dhiiran u fuliyay, oo midhaheediina noqday xoiryada Somaliland ee maanta la wada hadhsanaayo. Ilaahay how naxariisto intii ku shadiiday, inta noolna caafimaad iyo cimri dheer Ilaahay ha siiyo….Amiin.

 

 

ANIIS CABDILLAHI CIISE
SOMALILAND ADOCACY GROUP
WASHINGTON DC..USA

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker