Bishii MAY 1988 Gudo galkii SNM ee 27 & 28 & 29 &30 MAY waxaa ku dagaalamayey Burco &; Mandheera &; Cadaadley

1- Bishii May sanadkii 1988 27 keedii oo ahayd maalin taariikh weyn ku leh Somaliland waxay ahayd maalintii Mujaahid Axmed Mire oo wata ciidamo ka tirsan ururkii SNM ay soo galeen magaalada Burco iyadoo ahayd talaabadii ugu horeysey ee ururkii SNM ay ku xoreynayeen dalka Somaliland, Maalintaa mey rumaysan Isaaqii kale in Axmed Mire uu gudaha u galay magaalada Burco & Gudaha Somaliland iyadoo Mujaahidiintii kale ee hawdka ama Qaaxo la joogay oo ay ku jiraan nimanka iminka mujaahidiinta sheegta ee wadankii haystaa ay ka baqeen inay isku maalin la soo galaan iyadoo balamtu ahayd in Burco & Hargeysa la gallo 27 bisha May laakiin Mujaahid Axmed Mire uu keligii galay magaalada Burco halka Nimankan iminka ina wareeriyey ay maalintaa ka baqeen inay cadawga wajahaan ama is qaabilaan, Dagaalkaa oo ahaa kii albaabada u furay ururkii SNM dadkii taariikhdaa dhigay waxay ahaayeen Mujaahid Axmed Mire & Ciidankii uu watay oo Habar Yoonis ahaa, Geesiyaashaas oo baal dahab ah lagu qoray ee kasoo jeeday beesha habar Yoonis ee Garxajis ayaa iyagu ahaa Taariikhda dadka isaaqa ah kuwii difaaci jiray marka ay arintu qadhaadhaato, Mujaahid Axmed Mire maalintaa 27 May wuxuu ku guuleystay inuu gacanta ku dhigo oo uu xoreeyo magaalada Burco,

2

28 Bishii MAY oo ah maalintii ku xigtay mujaahid Maxamed Cali ilaahay ha u naxariistee ayaa galay oo weerar balaadhan ku qaaday magaalada Mandheera oo uu ku yaalay jeelkii weynaa ee Mandheera oo ahaa kii lagu cadaabi jiray dadka isaaqa ah iyadoo uu kasoo daayey jeelkaa dad aad u badan oo aqoonyahan & odayaal & Tijaar isugu jiray oo jeelkaa ugu xidhnaa dil toogasho ah oo ay ku xukuntay xukuumadii faqashtu, Mujaahid maxamed Cali wuxuu dagaal adag kula galay Mandheera ciidamadii Faqashta uu aad u xoog weynaa laakiin uu ilaahay ku guuleeyey Mujaahidiintii Habar Yoonis ee Qarxajis,

3-

29 Bishii MAY 1988 oo ah maalintii sadexaad waxaa isaguna dagaal xoogan ku qaaday CADAADLEY Mujaaih Ibraahim Dheere oo watay ciidamo Habar Yoonis – garxajis ah oo aad u dhiiran kuwaasoo cagta mariyey Saldhigii ugu weynaa ee Aagaa ku yaalay oo ah CADAADLEY, Iyadoo dagaalkaasina uu socday maalintii oo dhan taasoo keentay in mujaahidiintii uu watay Ibraahim Dheere uu gacanta ku dhigo saldhigii meleteri ee faqashta ee Cadaadley,

4-

30 Bishii MAY oo ah maalintii afraad Mujaahid Maxamed Cali ayaa mar kale xaga danbe kaga yimi ciidamadii faqashta ee ka cararay Cadaadley isagoo halkaa isaga & mujaahidiintii uu watay ee Habar Yoonis-Garxajis ay mar kale weerar ku qaadeen magaalada Cadaadley, Taasina ay keentay in ciidamadii SNM ee ay kala hogaaminayeen Mujaahid Maxamed Cali & Mujaahid Ibraahim Dheere ay dhamaanba gacanta ku dhigeen magaalooyinka Mandheera & Cadaadley oo ahaa saldhigyadii ciidamada ee ugu waaweynaa ee gobolada waqooyiga ku yaalay,

Hadaba afartaa maalmood dalka Somaliland ee la odhan jiray gobolada waqooyi waxaa gudaha u soo galay oo ku dagaalamayey waxay ahaayeen mujaahidiintii SNM ee kala ahaa Axmed Mire oo iminka ku nool dalka Ingiriiska oo isagu maalintii ugu horeysay gacanta ku dhigay magaalada Burco & ilaahay ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Cali & Muhaajid Ibraahim Dheere oo 28 & 29 & 30 bisha MAY gacanta ku dhigay Mandheera & Cadaadley iyagoo mujaahidiintaasi ciidamada ay wateen ay ahaayeen ciidamo kujaahidiin sooma jeestayaal ah oo Habar Yoonis- Garxajis ah,

Su,aasha is weydiinta mudan waxa weeye intii ay Habar Yoonis & garxajis ay afarta maalmood la dagaalamayeen ciidamadii faqashta halkay joogeen nimankan iminka jeegaanta la baxay ee leh Garxajis waa Somaliweyn & dalka ma laha, waxaa cad inay ka baqeen inay dagaalkaa galaan oo ay kaga baxeen Habar Yoonis- Garxajis isla markaana ay amankaag & fajaciso ay ku noqotay in korneeladii Habar Yoonis ay dalkii galeen oo ay weliba qabsadeen Burco & Mandheera & Cadaadley, Garxajis waa cududa ugu weyn ee Somaliland hadii ay qadhaadhaatana iyaga ayaa difaaca Somaliland laakiin raga caruurta aan waxba ogeyn ugu sheekeeyey Garxajis dalka malaha maanta dagaal bey galeen ilaa iminka ay u maaro la,yihiin waxaana hubaal ah in Puntland & Dhulbahante ay kusoo dhiiradeen markay ogaadeen in Jeegaantu ay fogeeyeen oo ay cadow ka dhigteen walaaladood Garxajis,

Waxaan xusayaa in afartaa maalmood 27 & 28 & 29 & 30 MAY markii ay dalka ku dagaalamayeen Habar Yoonis- Garxajis & ciidamadii faqashtu uu maalintii shanaad soo galay Hargeysa Muhaajid Ibraahim Dhago weyne oo Ciise Muuse ah,

 

HALKAN HOOSE KA WAADO MUJAAHID AXMED MIRE OO KA SHEEKEYNAYA SOO GELITAANKII SNM EE BURCO

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker