In Nabi Muxamed Guursado Caa’isha ? W/Q: Khadar Ibrahim Aar

Guurkii Caa’isha Abi-bakar Sadiiq Hooyadii Muuminiinta iyo Nabi Muxamed SCW ,waxa aynu in badan aragnaa iyada oo dad badan oo Dunidan Casrigaa ka tirsani ay wax ka sheegayaan,haday tahay Gaalo iyo Musliminba.
Hadaba si aynu taasi wax isaga waydiino ,waxa aynu u baahanahay in aynu su’aalahan iswaydiino:
1.Ma runbaa in Nabigu Guursaday Caa’isha oo ah Gabadh aan Qaangaadh ahayn, taasi miyey tahay gaf uu sharciga ka galay xilgaasi iyo Casriganba?
2.Wakhtigaasi Guurka Caa’sha uu dhacay oo ahaa bilawgii Qarnigii 14-aad ,Shareecada Islaamku maxay ayay ka qabtay guurka caynkaasi ah?
3.Dhaqankii iyo Cadooyinkii wakhtigaasi Dhulkaasi Carbeed ka jiray ma ahaa mid aqbalaaya in uu sax yahay in ninku Guursan karo Gabadh cimrigeeda lagu qiyaasay 9-sano iwm ?
Hadaynu isku dayno in aynu Jawaab waafiya ka bixino Su’aalahan:
Hadaba iswaydiinta ugu horaysaa saw noqon mayso; shay ama caado iyo dhaqan wakhti hore dhacay marka la rabo in Qiimayn lagu sameeyo ma waxaa fiican in wakhtigiisi looga cabir qaato mise in lagu qiimeeyo xilli iyo xaalad aan aqbali karayn Halbeegaasi dhaqan.
Nabi Muxamed CSW muuhayn Shiine mana uusan ahayn Faransiis ,balse waxa uu ahaa Carab la nool Tolkii iyo Qabiilka uu yahay;waxa kaloo uu ka mid ahaa dadkii la nolaa  xiligaasi caadooyinki iyo dhaqamadii ay lahayeen dadka uu la deegaan ka yahay ee uu ka dhashay isla markaana soo rabaystay.
Ma dhici kartaa in caadooyin iyo dhaqamo ay dadkale leeyihiin in aad dhulkaaga uu dhaqanku ka shaqeeyo in aad la timaado,saw ma ogid in dhagax lagugu dili karo,taasi saw kuu cadayn mayso Guurka Caa’isha in uu waafaqsanaa dhaqankii Carbeed ee xilgaasi iyo kan hadaba.
Su’aasha labaad ee odhanaysa Islaamku Xiligaasi maxay ayuu ka qabay Guurkaasi 9-jirka,waxa inanaga filan Islaamku markasta waxa uu ka danbeeyaa walibana uu kobciyaa  Cadooyinka iyo dhaqamada Fiicfiican ee ay dadku leeyihiin.
Su’aasha sadaxaad waxa aynu kaga jawabaynaa,Hadiiba Nabi Muxamed uu yahay Mid Khalad sameeyey isla markaana guursaday Gabadh aan Qaan- gaadh ahayn,maxay ayay u dhici wayday ama loo arki waayey cid wakhtigiisii ka hadashay waxna ka sheegtay ,madamaa uu ahaa Nabi dadka kasoo horjeedayna ay ahayeen kuwo Af-tahan nimada iyo Hal’abuurka Murtida caan ku ahaa,Saxafadooduna aanay waxba qarin ,sida aynu maantaba Siirada ku hayno,maxaynu u waynay hal qof ama Abu-Jahal oo ku dacayadaynaaya Nabiga arintaasi.
Akhriste ma kula tahay in Galadii Nabiga wakhtigaasi Dagaalka wayn ku qaaday in ay ka amusi lahayeen hadiiba uu Nabigu khalad dhanka Guurka ah uu galay,saw umay arkeen in Nabigo Dabin iyo Qool uu u galay ay wax kaga sheegaan. Miyaanay kuu muuqan in Makrafoon inta ay qataan Abu-Jahal iyo kooxdisii in ay dadka la dhex maraan “”Ninka nabiga sheeganayaa Gabadh yar oo Caruura ayuu wax ka dayey””.
Xiligii Nabigu uu Guursaday Caa’sha waxa ay ahayd xiliyadii nabiga loogu colaada badnaa,dhibta badnaa,cayda badnaa,Gabayada iyo Hal’kudhigyada af-lagadadaa loo samayn jiray,sidaasi oo ay yahay waxba kuma hayno dadkaasi.
In badan Quraanka Kariimka ah waxa aynu ku aragnay iyada oo Ilahay ka waramaaya Dhibaatoyinka ay xiligaasi Gaaladu ku hayso Nabiga sida Cayda iyaga oo leh Waa Saaxir,Waa Majnuun waalan,waa Beenaale ,mararka qaarna waxabay odhan jireen “”waxaa raacay Dadkii tamarta daraa waxaana Dacwadiisa diiday oo kasoo horjeestay dadkii Ehli-sharafka ahaa iwm” .
Taasi waxa ay ku tusinaysaa in nimankii Af-tahanada Badnaa ee Carbeed aanay marka ka aamuseen Guurka Caa’isha hadii uu baal’marsan yahay dhaqankii Guur ee deegaankaasi Carabta laga isticmaali jiray , balse sababta ay uga hadliwaayeen ay tahay in uu Nabigu ku saxsanaa Guurkaasi laga ogol yahay Dhulkiisa,ninkastoo Carabiina uu samayn jiray.
Caqliga iyo Garashada saliimkii waxa ay ina tusaysaa in Qof Madaxnimo sheegtay sida Nabi,Suldaan,Madaxwayne,Boqor iwm ,in inta badan ay dadku gar iyo gardaraba ay kasoo horjeestaan,kuna ceebeeyaan wax kasta oo ay isleyihiin sharaftiisa waa aad ku dhaawici kartaan oo aan ka jirin deegaankiisa.
Hadaynu dib ugu noqono Aragtiyaha Cafimaadka iyo qiimaynta  dheddignimada Waxaa lagu yaqaanaa dhinaca aragtida casrigaa  in baaluqnimada meelaha qaarkood ay ka dhakhso badan tahay kuwa kale.
Tusaale ahaan: sida ay dhakhaatiirtu sheegaan ,Gobollada kulul sida Makkah Al-Mukarrama – baaluqnimadeedu way ka dhakhso badan tahay meelaha aan kulaylaha ahayn ee Qaboobaha ah.
Da’da qaan-gaadhka ah ee Hablaha ku nool gobollada kulul ,waxay gaadhayaan 8 ama 9 sano, waana mida aanay cidina dafiri karin. Sida Dr-Duchne oo ah dhakhtar Mareykan ah, wuxuu yidhi : “Gabadh Caddaan ah oo ku nool Ameerika waxay bilaabi kartaa qaan-gaadhnimo markay tahay Toddobo ,Sideed ama Sagaal ay Jirto,balse Gabadha  asalkeedu Afrika kasoo jeedo waxa ay Caadada heli kartaa iyada oo Lix jir ah.
Sideedaba waxaa caafimaad ahaan la xaqiijiyey in caadada u horeysa ee loo yaqaano ” caadada” “Waxay dhacdaa inta u dhaxeysa Sagaal iyo Shan iyo toban Sano.
Rasuulku-naxariis iyo nabadgelyo Eebbe korkiisa ha yeelee – wuxuu doonay  Caa’isha oo lix jir ama toddoba jir ahayd, waxaana uu la aqal galay iyada oo jirta Sagaal sano jirsatay.
Quraanku waxa uu soo degaayey Nabiga oo Xaaskiisa ay tahay Caa’isha ,taasi miyaanay ku tusi karayn raali ahaan-shaha Ilahay iyo sida Guurkaasi Ca’isha  aanay ku jirin wax xumaanii;balse Quruunku waxa uu ahaa Hagaha Nabiga CSW,Xiligii Ca’iisha fadeexada laga sheegay waakii Ilahay Samada kasoo dajiyey in ay been cad tahay ceebaynta Caa’isha.
Bal isku day in aad waydiiso qof kaa weyn oo qoyskaaga ka mid ah, sida ayeeyooyinkaaga in ay mar uun ay dhacday in laysa siiyey ama la kala Guursaday Gabdho Sadaal jir ah,waxaan hubaa dhaqeena Somaliga ee hore in laga soo helaayo.
Sidaa awadeed Hoyadii Muminiinta Caa’sha Guurkeedu muu ahayn  faasiqnimo xilligoodii iyo waliba sannadahan aynu ku jirno  iyo kuwa soo socdaba ,maxaa yeelay tuulooyin badan oo dhulka Miyigaa ah,walibana kuwa uu ka jiro nidaamka Qabaliga ee aadka u adag waxaa laga heli karaa Guurka Gab-dhahaasi yaryar.
Hadii aad rabto in aad xal u hesho arin dhaqan oo waayo hore soo jirtay ,waxaa wax lagu qiimeeyaa dhaqamadii kala duwanaa ee ay dadkaasi waayadaasi ay lahayeen iyo habkoodii nolosha oo ay weheliso Cimilada iyo xaalada dhulkooda markaasi ka jirtay,hana ilaawin Xeerarkii arinta aad rabto in aad baadho.
Qof caqli badani miyuu odhan karaa ,dhacdo iyo dhaqan waayo soo jiray oo umadi ay wada lahayd ayaan qof si gaar ah loogu ceebayn karaa ,su’aashu waa maya,waayo waxa kaaga filin waxy dadkaasi ka qoreen iyo waxay ka yidhaahdeen.
Kala duwanaashaha hab dhaqanka maanta ee Dunida iyo afar iyo toban qarni wixii soo dhacay caado iyo Cilmina u ahaa Umad soo wada noolayd,sidee ayaynu isaga qiyaas qaadan karnaa maanta oo aynu hab-dhaqan iyo nolol cusub ku nool nahay.
Dunidan maanta sayniska iyo horumarka gaadhay,ma idinla tahay in ay ku heshiin karto arin guur.
Haddii Nabigu noolaan lahaa wakhtigan aynu ku jirno, guursan-lahaana  Caa’sha oo 9-jira,waxaa dhici kari lahayd in la canaanan lahaa,waayo waxaa maanta jira dhaqamo kusoo Duulay dhaqamo kale,waana laysu awood sheegtay,sharcigana Dunida waxaa maanta  qora hadba ninka xoog wayn,mana jirto Dunida maanta Diin iyo dhaqan ay umadi lahayd oo loo tixgaliyaa.
Waxa aynu mararka qaar aragnaa Culimo ku Doodaysay Nabigu CSW Caa’isha waxa uu guursaday iyada oo 17-18 Sano jirtay,Culimadaasi  waxaa ka mida Sheekh Khaled Al-Jundi, oo xubin ka ah Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka, Culimadaasi iyo dad badan oo Muslimiina ,ayaa malaha culaysyada kaga imanaaya Badariyada markay u adkaysan wayeen ,Guurka Caa’isha ku macnayeeye xisaabo, iyagoo soo qaadanaaya Asma bint Abi Bakar iyo siday u kala waynayeen Caa’isha ,waa xisaab (+ x – = ) Ugee ,ku dhofo ,kadibna ka jar, una qaybi, maxaa soo hadhay.
Tariikh yahanada Dunidan casriga ahi waxa ay isku wada raacsan yihiin ,in Tariikhkasta xiligeeda iyo xaaladeeda aan wax laga badalin,Tariikh tagtayna aan tu cusub qurux looga dhigin hadii kale way macna beelaysaa.

 

W/Q: Khadar Ibrahim Aar.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker