Dowlada Itoobiya oo ka hadashay go’aankii ka soo baxay Jaamacadda Carabta

Dolwadda Itoobiya naqdisay go’aankii ka soo baxay shir madaxeedkii u dambeeyay ee dalalka Jaamacadda Carabta oo ku aaddanaa arrinta arrinta biyo xireenka wabiga Niil.War ka soo baxay Itoobiya ayaa lagu sheegay in qaraarka ka soo baxay dalalka Carabta uu muujinayo cadawtinimada Masar ee ku saabsan biyo-xreenka weyn ee korontada laga dhaliyo. Muranka arrinta biyo xireenka ayaa muddaba soo taagnaa. Xasan Xayle oo falanqeeya arrimaha Africa iyo dalalka Carabtaoo BBC-da uwaramay ayaa yiri”Xaga heshiska Itoobiya waxay leedahay Masar iyo Suudaan 2012 ayaan heshiiskan gaarnay, kaasi oo ahaa in si siman oo cadaalad ah oo macquul ah biyaha webiga loo qeysado oo marna aysan dhibaato gasoo garin wadan kamid ah labadan wadan oo ah Suudan iyo Masar iany saamigoda biyaha ay heli jireen uusan hoos udhicin,Masar maadama la ogsonyahay inay aad ugu tiirsantahay biyaha Webiga Nile in Masar uusan marnaba dhibtaao kasoo gaarin taas ayuu heshiiska ahaa.Tan labaad Itoobiya waxay leedahahy hadii ay jiraan wax cabasho ah, waa arrin dalalka Afrika utaalla oo Midowga Afrika uu kufilanyahay in uu xaliyo Masar marna ay isku dayin in dacwadeeda la aado Jaaamacada carabta ama meel kabaxsan”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker