Ciidamada Qaranka oo Lasoo dhigey jidadka Caasimada Hargeysa iyo Isweydiinta Ka Taagan Hadalkii Wasiirka Daakhiliga

Tan iyo intii Ka dambaysay hadalkii Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ku Sheegay in ay ka Xukuumad ahaan hayaan, Cadeymo Ku Filan inney Qabqabteen Ciidamo Murrashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro uu ka Keenay Xamar, Shacabka Somaliland guud ahaan Waxaa la isweydiinayey Xajmiga uu Leeyahey Hadalkaasi taas, oo ah Arrin Culus oo Dambi Weyn Dusha looga Ridey Cirro.

Waxaanay fajac iyo amakaag ku Noqotey, dhamaanba intii dhagaysatey ee Daawatey Hadalka iyo qaabka uu uga hadley Wasiirku eedaynta uu ujeediyay Cabdiraxmaan Cirro, haddaba Waxey Su,aali ka joogtaa hadii Hadalka Wasiirku yahey, Waxa jira oo xaqiiq ah Maxey Sideebay Noqonaysaa Talaabada ay arrintan ka Qaadayaan Xukuumadd ahaan?

Sikasta oo ay Tahey Murrashaxa Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), Waxaa la Gudboon innuu iska Difaaco Si Jawaab Culus ah, oo aann ku koobnayn Qoraalka Caawa lasoo Galiyay Baggekiisa ee dhalinyaradu qortey taas oo iyaduna ah Talaabo aan Munaasin ku aheyn Culayska uu Leeyahey Eeda Wasiirka Daakhiligu ujeediyay Cabdiraxmaan.

Geesta kale Saqbadhkii Caawa ayaa Xukuumaddu Jidadka Magaalada Hargaysa soo dhigtey Ciidamada Qaranka ee Difaaca Dalka, iyo Gaadiidka Dagaalka ee Kala duduwan, Sida Taangiyada, iyo Kuwa Kale.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker