Nigeria: Afar Qof oo lagu dilay weerar lagu qaaday Kolonyo Mareykan ah

Dabley ayaa weerartay kolonyo baabuur Mareykan ah oo marayey gobolka Anambra ee Koonfurta Bari ee Nigeria Talaadadii, sida ay sheegeen booliska iyo sarkaal Mareykan ah, ayaga oo dilay afar qof, saddex kalena afduubtay.

Koox gooni u goosad ah oo ka howlgasha gobolka ayaa sanadihii dhowaa xoojiyey weerarada ay halkaas ka fuliyaan, ayaga oo inta badan beegsada xarumaha booliska iyo dowladda.

โ€œWax muwaadin Mareykan ah lama socon kolonyada,โ€ waxaa sidaas yiri afhayeenka booliska Ikenga Tochukwu.

Dableyda โ€œayaa dilay laba ka mid ah booliska, iyo laba shaqaale oo ka tirsanaa qunsuliyadda Mareykanka,โ€ ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray inay kadib dab qabadsiiyeen baabuurka.

Weerarka ayaa โ€œabaare 3:30pm Talaadadii ka dhacay waddada Atani, Osamale,โ€ ee degmada Ogbaru, sida ay sheegeen booliiska.

Ciidamo isku dhaf ah ayaa goobta la geeyey, sida uu sheegay Tochukwu, hase yeeshee dabelyda ayey u suurtagashay inay afduubtaan laba sarkaal oo boolis ah iyo darawal.

Waxaa xalay socday โ€œhowlgal badbaadin ahโ€ sida uu bayaan ku sheegay Tochukwu.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kibry oo weriyayaasha kula hadlay Washington DC ayaa xaqiijiyey weerarka.

โ€œKolonyo baabuur Mareykan ah ayaa la weeraray. Waxa aan idiin xaqiijin karo ayaa ah inuusan la socon muwaadin Mareykan ah,โ€ ayuu yiri Kirby.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale xaqiijisay weerarka.

โ€œShaqaalaha howlgalka Mareykanka ayaa hayโ€™adaha amniga Nigeria kala shaqeynaya in la baaro,โ€ ayuu yiri afhayeen u hadlay Waaxda Arrimaha Dibedda.

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker