Rabshadaha Manipur: Tobanaan qof ayaa ku dhintay isku dhacyo Qowmiyadeed oo ka dhacay gobolka Hindiya
Ugu yaraan 30 qof ayaa lagu dilay isku dhacyo qowmiyadeed oo ka dhacay gobolka Manipur ee waqooyi bari Hindiya, sida ay saraakiishu sheegeen.
Rabshadaha ayaa billowday horraantii usbuucan ka dib isu soo bax ay sameeyeen beelaha asaliga ah oo ay kaga soo horjeedaan tillaabooyinka lagu siinayo maqaamka qabiilka ee qowmiyadda ugu weyn gobolka.
Kooxo ayaa weeraray guryo, gaadiid, kaniisado iyo macbadyo. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu ay gaareyso 54 qof.
Ku dhawaad 10,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay barakaceen. Kumanaan ciidamo ah ayaa loo daabulay si ay u ilaaliyaan nidaamka.
Degmooyin dhowr ah ayaa lagu soo rogay bandow, waxaana la joojiyay isticmaalka internetka. Dawladaha deriska ah ayaa bilaabay inay ardaydooda ka daadgureeyaan magaalada Manipur, oo ku taal waqooyi bari Hindiya, una dhow xadka Mayanmaar.
Ciidanka ayaa sheegay in ay xaaladda gacanta ku hayaan balse xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Hinduuga ee BJP ee gobolka ayaa lagu eedeeyay in aysan qaadin talaabooyin ku haboon oo looga hortagayo rabshadaha.
Xubnaha bulshada Meitei, oo ah ugu yaraan 50% dadweynaha gobolka, ayaa dalbanayay in lagu daro qaybta Qabiilka la qorsheeyay muddo sanado ah.
Hindiya ayaa u xirtay shaqooyinka dawladda, gelitaanka kulliyadaha iyo kuraasta la soo doortay ee dhammaan heerarka dawladda, bulshooyinka noocan ah ee hoos yimaada qaybtan si loo saxo khaladaadka taariikhiga ah ee u diiday fursado siman.
Heerkani wuxuu siinayaa qabiilka Meiteis inay helaan dhulalka kaynta waxayna dammaanad u haystaan qayb ka mid ah shaqooyinka dawladda iyo boosaska xarumaha waxbarashada. Qabiilada kale waxay ka walaacsan yihiin inay lumiyaan gacan ku haynta guryaha kaynta awoowayaashood.
Talaadadii, kumanaan ka tirsan qabaa’ilka ka soo jeeda degmooyinka buuraleyda ah ee gobolka ayaa ka qaybgalay dibad bax ay ku baaqeen Midowga Ardayda Qabiilka ee Manipur si ay uga soo horjeestaan dalabka.
Maalin ka dib, isu soo bax kan la mid ah ayaa isku bedelay mid rabshado wata, iyadoo rabshado ay ka dhaceen degmooyin kale oo markii dambe sii fiday. Qolo waliba qolada kale ayay ku eedaynaysaa in ay qaska bilowday.